Kaligaa ma tihid.
Mar waxaad u baahan tahay qof ku dhegaysta, marna waxaad u baahan tahay jawaabo. Wax kasta oo maskaxdaada ku jira, kooxdayadu waxay halkan u joogaan inay caawiyaan.

Waanu kuu danaynaa adiga.
PDHC, waxaanu aaminsanahay inaad u qalanto caawimo sir ah oo bilaash ah inta lagu jiro go'aanka uurkaaga - iyadoon loo eegin xaaladaada.
Afar Goobood Oo Laguugu Adeegayo
Si ay kuugu sahlanaato, waxaanu ku leenahay afar goobood oo ku yaala badhtamaha Ohio.
Ballan bilaash ah nala samee maanta!
Tani waa markii labaad ee aan imaado PDHC. Waxaan u soo noqday daryeelka iyo jacaylka xad dhaafka ah ee la siiyo dumarka halkan yimaada.
—Calaynah
Markii aan aniga iyo xaaskeyga imaanay dalkan, waxaan dareennay kalinimo gaar ahaan markii xaaskeyga ay uur yeelatay. Laakin markaa waxaanu nimid PDHC waxayna na siiyeen caawimo.
-Zahra
Markii ugu horeysay ee aan imid PDHC, maan helin wax fikrad ah in aan uur afar bilood ah lahaa laakiin kalkaalisada ayaa ahayd mid cajiib ah oo xog badan leh. Runtii waxaan dareemay in aan u diyaar garoobay waxa ku xiga.
-Yaasemin
Dumarku aad bay u macaanaayeen oo waxtar bay u ahaayeen…Weligay aad baan ugu mahadnaqay meeshan, maadaama aanan haysan caymis wakhtigaas oo ay gebi ahaanba ahayd 100% bilaash. Hubaal ku talin
-Noel
Waxay kula dhaqmaan sidii qoyska oo kale marka aad soo gasho, iyo marka aad baxdo. Aad bay xogogaal u yihiin waxayna ku dareensiiyaan raaxo.